Dayuurad ciidamo siday oo ka degtay Baladweyne iyo Fahad Yaasiin oo ku sii jeeda

Ciidamo la sheegay inay yihiin ilaalada gaarka ah ee Fahad Yasiin Xaaji Daahir kana ambabaxay Garoonka dayuuradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidankaas ay horudhac u u yihiin Fahad Yaasiin oo saacadaha so socda ku wajahan Magaalada Beledweyne.

Fahad Yaasiin ayaa u sharaxan kursiga HOP086 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, wuxuuna kursigaas ka mid yahay kuraas doorashadooda la qabanayo 20-ka Bisha oo ku beegan Maalinta Axadda.

Ciidanka laga dejiyay Garoonka Beledweyne ayaa waxaa lagu daad gureeyey dhowr Gaari oo kuwa dagaalka ah, kuwaasoo la geeyay qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne waxaa sidoo kale la geeyay saaka Ergadii dooran laheyd Fahad Yaasiin kuwaasoo la dajiyay goob amnigeeda aad loo adkeeyay oo ku taalla agagaarka xerada AMISOM qeybta Afaraad ee ku taalla deegaanka Ceeljaalle.

Sidoo kale waxaa adkeeyey amaanka magaalada Baladweyne oo weli uu ku sugan yahay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, iyadoo ciidamada Haramcad ee la geeyey magaaladaas ay wadaan howlgalo baaritaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -