Faransiiska oo 10 sano ka dib ciidankiisa kala baxaya Mali & Sababta ka dambeysa

Dowlada Faransiiska iyo xulafadeeda Yurub ayaa sheegay iney ciidamadooda kala baxayaan dalka Mali ku dhawaad toban sano ka dib oo dalkaasi ay ka howlgalayeen.

Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaana shaaciyay hadalkaan. Ciidamadan ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii ku howlanaa la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaasi.

Mr Macron ayaa sheegay in go’aanka ka bixitaanka uu daba socdo burbur ku yimid xiriirka diblumaasiyadeed ee Mali iyo Faranse iyadoo ay sii kordhayso cadaawadda uga imaaneysa maamulka militariga ee la wareegay talada Mali.

Ciidamada laga saaro dalka Mali ayaa dib la geyn doonaa meelo kale oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Afrika, Waxaana in Niger ay ogolaatay inay martigeliso qaar ka mid ah ciidamada ka baxaya Mali.

Waxa uu beeniyay in howlgalladii ee ay halkaa u tageen ciidamada Faransiiska iyo xulufadooda uu fashilmay, waxaa uuna ku adkeystay in France ay weli ka go’an tahay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta ee gobolka

Ku dhawaad 5,000 oo askari oo Faransiis ah ayaa ku sugan gobolka Saaxil si ay ula dagaallamaan fallaagada Islaamiyiinta ee qeybta ka ah howlgalka Barkhane, iyadoo ku dhawaad 2,400 oo ka mid ah ay ku sugan yihiin saddex saldhig oo ku yaalla waqooyiga Mali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -