Xildhibaano Muqdisho kaga dhawaaqay kutlada badbaado Qaran (Sawirro)

Ku-dhowaad boqol Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta kulan ku yeeshay Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kulanka Xildhibaanada looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo marxalada kala guurka ah ee dalka, ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Mahad Max’ed Salaad oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa faahfaahin ka bixiyay Qoraal kasoo baxay kulankooda, isagoo xusay in 94 xildhibaan ay ka qeyb galeen, kuwaasoo uu xusay ku midoobeen Kutlad loo bixiyey (Badbaadada Qaranka).

Waxaa uu intaas ku daray in Xildhibaanadan ku dhawaaqay kutlada badbaadinta Qaranka ay ujeedadoodu tahay in dalka laga badbaadiyo inuu ka dhaco firaaq Dastuuri ah.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku fashilmay inuu dalka ka qabto doorasho, sidoo kalena uu la heshiin waayay Madaxda dowlad Goboleedyada, isagoo xusay ineysan marnaba aqbali doonin in Madaxda dowladda sameystaan muddo kororsi.

“Xukuumadda xil gaarsiinta haatan shaqadooda waxay tahay mid iska caadi ah, hase yeeshee arrimo dastuuri ah ma fara gashan karaan” ayuu yiri Mahad Salaad.

Talaabadan ay qaadeen xildhibaanada ayaa ku soo beegantay xili la hadal hayo RW Rooble oo beri hortagaya golaha shacabka uu wato qorshe la xiriira muddo kororsi labo sano ah iyo in wax laga bedelo nooca doorasho ee lagu heshiiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -