Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Yoweri Museveni oo qaaday Xayiraado uu horey dalkiisa ugu soo rogay

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in la qaaday dhammaan xanibaadyadii dalka saarnaa ee ka dhashay cudurka safmarka ah ee Ebola, oo ka dilaacay qeybo kamid ah dalkaasi.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in dalkiisu horumar ka sameeyay kahor taga iyo xakameynta cudurka Ebola, waxa uuna cadeeyay in aysan hadda jirin halis iyo cabsi laga qabo faafitaanka cudurkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in meesha laga saaray xanibaadyadii lagu soo rogay halkii xuddunta u aheyd cudurka ee degmada Mubende, kaasoo laga diiwaan geliyay 66 xaaladood iyo 29 dhimasho ah, iyo gobolka Kassanda oo laga helay 49 xaaladood iyo 21 dhimasho ah.

“Hadda, ma jiro wax la kala qaado, ma jiro xiriir la socda, ma jiro bukaan ku jira xarumaha karantiilka, xaaladuha waa caadi ” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxweyne Yuweri Museveni.

Dlka Uganda ayaa ka dilaacay cudurka halista badan ee Ebola, waxaana dowladda bishii October soo rogtay xayiraadyo xilliga habeenkii iyo safarka ah, waxa ay sidoo kale dowladda xirtay goobaha cibaadada si uusan cudurkaasi usii faafin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya iyo Sudan oo qarka u saaran in ay dagaalamaan iyo Ciidamo xadka lasoo dhoobay

Cabdi Cade

Garoon Diyaaradeed oo laga dhisayo degmo ay Go’doomiyeen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Mashaariic Horumarineed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---