Axmed Safiina: “Haddii kooramku buuxsamo waan qabaneynaa doorashada Madaxweynaha”

Afhayeenka guddiga doorashada heer-federaal Axmed Aadan Safiina ayaa sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranayaan guddoonka baarlamanaka iyo Madaxweynaha,  oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey.

“Runtii caqabadda ka jirta Garbohaareey waa caqabad siyaasadeed, doorashadana waxa halkaa soo gaarsiiyay khilaafka halkaa ka jira waxaad ogeydeeen shirarkii Dhuusamareeb kow, laba iyo saddex qaarna ay fashilmeen qaarna ay guuleysteen, khilaafka ugu weyna waxa uu ka taagnaa kuraastka lagu soo dooranayo Garbahaarey ilaa haddana xal siyaasadeed oo dhameystiran lagama gaarin welina waa lagu kala aragti duwan yahay.” ayuu yiri afhayeenka.

Safiina ayaa xusay in haddii madaxda isku haysa kuraasta Garbahaarey aanay xalin khilaafkooda laga gudbayo.

“Guuddiga Doorashada haddii aanu nahay Kooramka haddii uu inoo buuxsamo xildhibaannadaasna aanu xal laga gaarin caqabad dalka ku sii ahaan maayaan khilaafyadaasi oo horay ayaa looga sii soconayaa, doorashada Guddoonka iyo kan madaxweynahana waa la dooranayaa” ayuu intaas ku daray afhayeenka

Hadalka afhayeenka ayaa yimid xili Maalmihii la soo dhaafay ay si dar dar ah maamul goballeedyada qaar uga socotay doorashada Golaha shacabka ee baarlamanaka cusub ee federaalka Soomaaliya iyadoo horrey loogu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo 25-kaan bishaan Febraayo, waxaana ilaa iyo hadda la doortay boqolkiiba 55%.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose hase yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -