Nin lagu eedeeyay in uu gubay Aayado Qur’aan oo si arxan daro ah loo dilay

Nin lagu eedeeyay in uu gubay boggag kamid ah Qur’aanka kariimka ayaa si arxan daro ah dad careesan waxa ay ugu dileen deegaan hoostaga degmada Khanewal ee gobolka Punjab ee dalka Pakistan.

Dadka deegaanka ayaa gacanta ciidanka booliiska kala baxay ninka lagu eedeeyay in uu gubay Qur’aanka kariimka kadibna si arxan daro ah u dileen, waxaana dilka ka qeyb qaatay dad badan oo kamid ahaa dadka kunool deegaanka uu falkan ka dhacay.

Ciidamada booliiska ayaana soo helay meydka ninka la dilay oo 40-sano jir ahaa isaga oo geed laga lalmiyay , waxa uuna sheegay in dilkiisa ninkan loo adeegsaday faasas ,budad iyo waxyaabo kale oo culus.

Ciidamada booliiska dalka Pakistan ayaa howlgalo ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen dad gaaraya 80-qof oo al sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dilka loo geestay ninka lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay kitaabka Qur’aanka .

Meydka ninka la dilay ayaa lagu wareejiyay qoyskiisa kuwaa oo aas u sameeyay, waxaana dilka ninkan loo geestay si kulul u cambaareeyay masuuliyiin katirsan dowladda Pakistan iyo iyo ururo kale.

Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in kiiskan loo cuskan doono sharciga, wuxuuna codsaday in warbixin laga siiyo saraakiisha booliiska ee lagu eedeeyay inay ku guul-darreysteen waajibaadkoodii ahaa badbaadinta ninkaas.

Imran Khan ayaa cadeeyay  in dowladdiisu, aysan wax dulqaad ah u lahayn qof kasta oo sharciga gacmihiisa ku qaata, waxa uuna amray ciidamada ammaanka in ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -