Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo lacago badan ka aruursaday Musharaxiin kaddibna si xun…

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka socota dowlad goboleedyada dalka iyo caasimadda Muqdisho ayaa ku socoto si musuq maasuq ah aan horey loo arag, waxa ayna doorashada sanadkan noqotay tii ugu musuqmaasuqa badneed.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa kamid ah guddiyada ku kacaya musuqmaasuqa ugu xun ee ka taagan doorashada, waxa ayna xubnaha guddiga dhaqaale badan ka sameenayaan doorashadan boobka ah.

Doorashadii ugu musuqmaasuqa badneed ayaa shalay ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee xaasimadda Galmudug, kaddib markii guddiga u kala eexdeen gabdho musharaxiin ah oo qaraabo la ah Farmaajo oo ku tartamayay hal kursi.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa diiwaangeliyay ilaa 7-musharax oo u tartamayay kursiga tirsigiisu yahay HOP#053, waxaana todobadaasi musharax mid kastaahi laga qaaday lacag gaareysa 5-kun oo Dollar oo isdiiwaan gelin ah.

Kursigan ayaana guddiga doorashadiisa waxa ay badaleen liiska ergadii saxda aheyd ee soo qoreen odayasaha beesha, waxaana la sheegay in ergo aan la isla ogeyn oo qaarkood la sheegay in aysan u dhalan beesha kursiga leh loo qoray si loo soo saaro musharax gaar ah.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa sidoo kale la sheegay in albaabka ka celiyeen una diideen in doorashada ka qeyb galaan qaar kamid ah musharaxiintii kursigaasi ee buuxiyay shuruudaha sidoo kale bixiyay lacagta diiwaangelinta.

Qaar kamid ag musharaxaiintii lagu tacadiyay ayaa iska ilmeeyay kaddib markii doorashadii lacagta badan uga baxday loo diiday in ay ka qeyb galaan, halka kuwa kalana la xaqiray in ay codka ka helaan ergadii saxda aheyd ee kursigaasi dooran laheyd.

Kursigan doorashadiisa musuqmaasuqa xooggan hareeyay waxaa kusoo baxday Raysal Qorane Abshir oo si gaar ah u watay jufo hoosena la ah Madaxweyne Farmaajo, iyadoona gabdhihii kale ee la tartami lahaa la ciilay loona awood sheegtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -