Allbanaadir.com
NEWS

Dacwado ka dhan ah Dowlada Soomaaliya oo loo gudbiyay Maxkamada Caalamiga ee ICC

Qareeno Soomaaliyeed oo kunool magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowlada federaalka ee Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxa ay u gudbiyeen Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada dagaalka ICC ee magaalada The Hague.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, oo kamid ah qareenada Dacwada ka dhan ah dowlada Soomaaliya u gudbiyay oo la hadlay Idaacada VOA ayaa shaaciyay in dacwad ka dhan ah Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo u gudbiyeen Maxkamada ICC.

Waxa uu sheegay Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax in Maxkamada u gudbiyeen afar Kiis oo kala ahaa Kiisaka Dilka Ikraan Tahliil, Dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea, Xasuuqii ka dhacay Baydhabo iyo xayiraada diyaaradihii Kismaayo.

Garyaqaanka aya au sheegay Idaacada VOA in maxkamada ka qabatay gal dacwadeedka ka dhanka dowlada Soomaaliya , waxa uuna cadeeyay in ay rajo ka qabaan in la guda galo dacwadahan ka dhan aha Dowlada Soomaaliya ee hada yaala maxkamada ICC.

Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ayaa afartii sano ay talada hayeen lagu eedeeyay dambiyo badan ay kamid ahaayeen dadkii lagu laayay Baydhabo iyo kiiska hada taagan ee Ikraan Tahliil, lamana oga cida loo maxkamadeyn doono dhamaan dambiyada dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo maanta Duqeyn ka geestay Mudug iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade

Mutlaq Al-Qahtani oo maanta la kulmaya qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Ukraine oo weerartay gobol kale oo ka tirsan Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---