Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la affuray qeybo kamid ah Bulshada Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay affur wadareedka sannadlaha ah ee is aragga xukuumadda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Affurkan waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirro katirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, masuuliyiin heer goboleed, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan.

Xafiiska Xamse Barre ayaa sheegtay in affurka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda iyo masuuliyiinta kale la qaateen shacabka uu yahay mid  lagu xoojinayo isu soo dhaweynta Xukuumadda iyo shacabka Muqdisho.

Xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa dooneysa in ay kasbadaan quluubta bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho oo xilligan la daalaa dhacaya ammaan darro iyo dhaqaalo xumo baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo soo fara galisay Dagaalka Muqdisho iyo kulamo socda

Cabdi Cade

Caro xoogan oo ka dhalatay booliis Mas ku cabsi galiyay nin Eedeysane ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Shacab iska wareejiyay Dhagxaan lagu xiray Wadooyin kuyaala Muqdisho (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---