Guddoomiye Baarlamaanka oo u tartamaya kamid noqoshada gollaha Shacabka

Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa maanta warqada shahaadada musharaxnimo siiyay dhoor musharax oo isku soo taagay doorashada kuraasta gollaha shacabka ee lagu dooranayo magaalada Baraawe.

Musharaxiinta maanta la diiwaangeliyay waxaa kamid ah Dr Cali Saciid Faqi oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxa uuna u tartamayaa kursiga tirsigiisu yahay Hop-187.

Sida aan xogaha ku heleyno Cali Siciid Fiqi ayaa kamid ah xubnaha Villa Soomaaliya la dooneyso in ay u sharaxdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana jira dhoor musharax oo ay kala dooran doonto Villa Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid ayaa loo xiray kursiga xildhibaanimo uu u tartamayo, waxa uuna siyaasigan kamid yahay xubnaha sida weyn u taageersan dowlada uu Farmaajo hoggaamiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -