Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Biden oo Digniin adag u diray dhigiisa Ruushka xili uu Duulaan isku diyaarinayo

Ciidamada milatariga Ruushka oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa buux dhaafiyay xadka Ukrine, waxaana laga cabsi qabaa in duulaan culus oo dhiig badan ku daato ku qaadaan maalmaha soo aadan gudaha dalka Ukrine.

Dowladda Mareykanka oo xulifo dhaw la ah dowladda Ukrine ayaa marar badan Ruushka uga digtay duulaanka uu dalkaasi ku qaado, waxa ayna Mareykanka sheegeen in duulaankaasi Ruushka kasoo gaari doono cawaaqib xun.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shalay telfoon kula hadlay dhigiisa Ruushka ayaa mar kale uga digay duulaan ay ku qaadaan Ukrine, waxa uuna u sheegay hadii Ruushka dhagaha ka fureesto digniinta ay ka shalaayi doonaan.

Biden ayaa sidoo kale sheegay Putin in Mareykanka iyo xulufadiisa ay jawaab deg deg ah oo kama danbeys ah bixin doonaan isla markaana cuna-qabateyn adag oo cawaaqib xumi ka dhalan doono kusoo rogi doonaan, haddii ay Moscow ka dhabeyso weerarka ay rabto in ay ku qaaddo dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dowladda Ruushka ayaa marar badan beenisay in ay duulaan ku yihiin Ukrine, waxa ayna Ruushka ku eedeeyeen Mareykanka in ay ka bad badinayaan ayna faafinayaan warar aan jirin oo xaalad abuur ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=GsckAZ0YL1w&t=236s

Related posts

Wadahadalka xabad joojinta Gaza oo mar kale furmaya & Xamaas oo qorshe cusub keentay

Caydiid Ali

Madaxda dowlad goboleedyada oo looga digay iney soo fara geliyaan khilaafka Galmudug

Caydiid Ali

Daawo Waare :-Haddii hotel aan shirko ku nahay habeenki marka xisaabta la xiraayo maxaa dhacaya!!

admin
Taboola Ads ---