Cali Guudlaawe oo Shirka Gollaha Wasiirada Hirshabelle ku guddoomiyay Baladweyne (Sawirro)

Beledweyne: 13, Febaraayo:2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xasilinta Magaalada Beledweyne iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Amniga Gudaha ka dhageystay qorshaha sugan ee amaanka looga shaqeynayo iyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee hay’adaha amaanka qorsheeyeen.

Shirka Golaha Xukuumada ayaa sidoo kale looga hadlay abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle iyadoo goluhu la wadaagay Madaxweynaha baaxada ay gaarsiisan tahay abaarta xiligaan ka jirta Gobolka Hiiraan, waxaana ay tilmaameen in deegaano badan ay ka jirto biyo la’aan daran.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Dib u Heshiisinta, Biyaha ,Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Arrimaha bulshada ka dhageystay Mashaariicda taagan xiligaan ee u baahan in deg deg loo fuliyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay xiligaan ay jirto abaar xoogan, deegaanada qaarna looga barakacay biyo la’aan, waxa uuna tilmaamay in deegaanada abaarta ka jirto la gaarsiin doono biyo dhaamin iyo gargaar deg deg ah.

- Advertisement -