Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda dowlad goboleedyada oo looga digay iney soo fara geliyaan khilaafka Galmudug

Iyadoo khilaaf meel adag maraya uu ka dhex aloosmay mar kale Madaxda dowlad goboleedka Galmudug ayaa Madaxda dowlad goboleedyada ee saaxiibka dhow la’ah Madaxweynaha Galmudug Xaaf, waxaa looga digay iney soo fara geliyaan khilaafka taagan.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa uga digay Madaxda Maamul Goboleedyada inay khilaafkaas soo dhex galaan iyagoo taageero siinaya Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada qaarkood uu kala hadlay arrinta khilaafka Madaxda Galmudug, uuna ka codsaday in khilaafkaas ay dhexdhexaad ka noqdaan.

Weli waxaa taagan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug kuwaasoo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, mana jiro ifafaale muujinaya xal laga gaaro khilaafka.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhankiisa maalmo ka hor dowlada federaalka uga digay ineysan faraha la soo gelin khilaafka taagan sidii dhacday 8 bilood ka hor xiligii uu ka taagnaa khilaafkii hore ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar qorsheysan oo lagu qaaday xarumo Al Shabaab ku lahaayeen Jacar iyo Garabla

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo la kulmay dhigiisa Recep Tayyip Erdoğan

Caydiid Ali

Dayuurado weeraray saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin Jamaame iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---