Ciidanka Ruushka ee duulaanka ku ah Ukrine oo dhoolatus milateri sameeyey (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa dhoolatus militari ah ka bilaabay dalka Belarus, wuxuuna lix ka mid ah maraakiibtiisa ay ku soo xirteen deked istaraatiiji ah oo ku taal Badda Madow.

Saraakiisha Ukraine oo ku sifeeyay ficillada Moscow inay sii kordhinayaan xiisadaha gobolka.

Dhaqdhaqaaqa Ruushka ee Belarus ayay ka qayb qaateen kumannaan ciidamo ah iyo hub casri ah sida gantaalada S-400, kuwa difaaca hawada ee Pantsir system-ka iyo diyaaradaha dagaalka ee Su-35.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in lix markab ay gaareen dekedda Sevastopol ee gobolka Crimea, taas oo Moscow ay ka qabsatay Ukraine sannadkii 2014-kii. Maraakiibta Ruushka ayaa dejinaya ciidamada, gaadiidka iyo agabka kale.

Saraakiisha Moscow iyo Minsk ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay soo gabagabeyn doonaan dhoollatuska, ayna ka bixi doonaan Belarus kadib 20-ka February. Laakiin saraakiisha reer galbeedka ayaa weli ka baqaya in Ruushka uu duulaan ku soo qaado. Ukraine

- Advertisement -