Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Maxaa ka dhacay saldhiga ciidamada Gorgor ku leeyihiin degmada Aw-Dheegle?

Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii weerar madaafiic ah ku qaaday Saldhig Ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqleen aroornimadii saaka dhawaqa madaafiicda lagu weeraray Saldhiga Awdheegle, kuwaasoo tiro ahaan gaarayey 5-7

Ciidamada dowladda ee ku suignaa saldhigaas ayaa madaafiic kale kaga jawaabay weerarka lagu soo qaaday Saldhigooda degmada Awdheegle, iyagoo la beegsaday goobo ay tuhunsanaayeen in laga soo riday madaafiicda iyaga lagu soo weeraray.

Lama oga  khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray madaafiicda ay isku weydaarsadeen nawaaxiga degmada Aw-dheegle

Ciidamada Kumandoska ee Gorgor ee degan saldhigaas ayaa saaka howlaglo ka wada dhul iskugu jira keymo iyo beero ku yaalla duleedka degmada Aw-dheegle, iyagoo baadi goobaya kooxihii xalay soo weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Mike Hammer oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qorshayaasha u degsan maamulka gobolka Banaadir sannadka 2024 oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Safiirka UK u fadhiya Muqdisho oo talooyin Muhiim ah siiyey madaxda Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---