Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Go’aan dowlada Kenya ka qaadan laheyd sii wadida dacwada Badda oo fashilmay

Sida uu qoray wargeyska the star eek a soo baxa dalka Kenya seddax garsoore oo gacanta loo geliyay inay xugmiyaan wax loogu yeeray muranka badeed ee Kenya iyo Somalia ayaa sheegay inaysan xukunkooda ridi Karin dhaqaale xumo awgeed.

Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Anthony Mrima oo shalay laga sugayay inay go’aamiyaan in  Kenya ay sii wadeyso ama ka baxayso dacwadda Maxkamadda ICJ ayaa ku fashilmay iney soo saaraan go’aan arrintaas la xiriira

Dowlada Kenya ayaa 3 bilyan oo Ksh ka goosatay miisaaniyadda waaxda cadaalada dalkaas iyadoo sheegtay inuu dakhligu hoos u dhacay

Garsoorka dalka Kenya ayaa codsaday 31.2 bilyan Kenya shilin, balse Baarlamanka ayaa u ogolaaday wax ka yar kala bar oo ah 14.5 bilyan, iyadoo Wasaaradda Kaydku ka sii goosatay 3 bilyan taasoo sii adkeysay xaalada garsoorayaasha.

Dhaqaale xumi awgeed ayay sheegeen inay garsoorayaasha oo ka kala imanaya goobo kala fog ku adkaysay inay isu yimaadaan oo xukunka ka baaraan degaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadka degan Dhismaha Matxafka Qaranka oo lagu amray in ay ka guuraan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Sida maanta looga ciiday Magaalada Jowhar iyo Cali Guudlaawe oo..

Caydiid Ali

Villa Somalia oo faahfaahin ka bixisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---