Saamiga Soomaalida Itoobiya ku leeyihiin shidaalka la helay oo la shaaciyey

Madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo dadweyne kula hadlayay magaalada Qabri Dahare ayaa sheegay in muddo boqol sano ka badan laga sheekeyn jiray kaydka shidaalka ee dhulka Soomaalida, balse maanta la xaqiijiyay himiladdii.

Cabdi Max’uud Cumar ayaa ka jawaabay su’aal ay dad badan isweydiinayaan oo aheyd saamiga ay Soomaalidu ku leedahay shidaalka laga soo saarayo degaankaas.

“Su’aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weydiinayaan, waa imisa ayaan leenaya, wixiiba inaga ayaa lehe, imisa aan leenahay waa maxay?” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray “Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo baxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” .

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

Shidaalka goobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Waa markii ugu horeysay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga soo saaray shidaal ceyriin kadib muddo sanooyin ah oo lagu hayay baaritaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -