Puntland oo war kasoo saartay Dagaalka Laascaanood iyo Go’aankii Isimada kasoo baxay

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa soo dhaweeyay go’aankii saakay soo saareen Isimada dhaqanka ee shirka uga socday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Axmed Karaash ayaa cadeeyay in ay soo dhoweynayo go’aamada masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC oo ay kaga tashanayeen aayahooda.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland iyo xasuuq iyo caburin ku hayo shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku eedeeyay dagaalka saakay ka qarxay Laascaanood in iyagu soo qaadeen.

”Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo” ayuu yiri Karaash.

Axmed Karaash ayaa u cadeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in aysan indhaha ka qarsan doonin xasuuqa iyo dhibaatada lagu hayo shacabka Laascaanood uu tilmaamay in lasoo weeraray iyaga oo masiirkooda ka tashanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -