Villa Somalia oo beenisay warbixin uu daabacay Wargayska (The Globe and Mail),

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada JFS ayaa dacwad u dirtay wargayska caanka ah ee (The Globe and Mail), kaasoo 20-kii bishii la soo dhaafay lagu daabacay warbixin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagaga been abuurtay inay qayb ka ahaayeen dagaalkii Gobolka Tigray ee Dalka Itoobiya, isla markaana ay xasuuq ba’an ka gaysteen gobolkaas.

Waraaqdan oo Warbaahinta loo soo dusiyey kuna taariikhaysan 25-ka bishii la soo dhaafay, oo ku aaddan 5 maalmood ka dib isla maalinkii Warbixinta been abuurka ah la daabacay, ayaa lagu qoray luuqad adag oo xambaarsan farriin ah in Dowladda Soomaaliya ay tillaabo sharci ah ka qaadi doonto Wargayska The Globe and Mail, haddii aanu soo bandhigin xaqiiqda dhabta ah ee ay ku sulaysan tahay warbixintanta lagu daabacay.

“Warbixintiinnu waa mid si cad loogaga been abuurtay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aan marna farogelin arrimo dalal kale. Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faanayaan ciidankeenna geesiyaasha ah oo u taagan difaaca dalka iyo dadkayaga. Marna ma aha kuwo ku xad gudba xuquuqda aadanaha, sida aad warbixintiinna been abuurka ah ku sheegteen” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada oo sidan u qornaa”-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -