Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Balad Xaawo iyo sida hada xaal yahay

Waxaa xalay Saqdii Dhaxe dagaal xoogan ka qarxay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland oo mudooyinkan isku abaabulayay magaalada Mandheera weerar kusoo qaadeen saldhigyada ciidanka Dowlada.

Dagaal xoogan oo saacado socday ayaa ciidamada maamulka Jubbaland ugu suurto gashay in ay ku qabsadaan qeybo badan oo kamid ah degmada Balad Xaawo ay kamid yihiin xarumihii maamulka iyo saldhiga booliiska.

Sida aan wararka ku helnay dagaal rogaal celis ah ay soo qaadeen ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gor Gor ayaa dib uga qarxay degmada Balad Xaawo, waxaana dagaalkaasi keenay in ay dib u gurtaan ciidamada Jubbaland .

Dadka deegaanka ayaa hada ku waramaya in ciidamada dowlada dib ula wareegeen inta badan degmada Balad Xaawo, waxaana wali qeybo kamid ah magaalada iyo banaankeeda laga maqlayaa rasaas goos goos ah.

Ciidamada dowlada ayaa dagaalka ku qabtay ciidamo badan oo katirsanaa kuwa maamulka Jubbaland kadib markii ay ku go’doomeen qeybo kamid ah degmada Balad Xaawo ay soo galeen xalay xili dambe.

Maamulka Degmada Balad Xaawo iyo saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaalka , waxa ayna sheegeen in ay jabiyeen ciidamada Jubbaland kana qabteen maxaabiis badan kuwa kalana dagaalka ku dileen.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka ku dhintay ku dhawaad 10-qof oo shacab ah ay ku jiraan shan caruur ah oo kasoo jeeday hal qoys, lamana oga khasaaraha kala gaaray ciidankii dagaalamay.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -