Ciidamo Soomaali ah oo xasuuq ka geystay gobolka Tigray iyo cadeymo la helay

Sida uu qoray Wargayska Globe and Mail ee ka soo baxa dalka Canada Waxaa la Daah-furay cadeymo cusub oo ku saabsan gabood-fallo la sheegay ay ciidamo Soomaali ah ka geysteen dagaalka Tigrayga ee woqooyiga Itoobiya kaasoo tooshka ku ifinaya isbahaysiga milatari ee ka soo ifbaxaya Geeska Afrika.

Wargayska Globe and Mail ayaa helay goob-joogeyaal ka waramaya xasuuqii ay ciidamada Soomaalida ee ku dhex milmay ciidamada Ereteriya ka geysteen gobolka Tigray bilihii hore ee dagaalka.

Cadeymahan cusub ayaa dhalinaya su’aalo walaac leh oo ku saabsan isbahaysi milatari oo qarsoon oo u dhexeeya Itoobiya, Eritera iyo Soomaaliya kaasoo dhimasho iyo burbur u gaystay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Soomaaliya ayaa horey u beenisay in ciidamadeeda la geeyay gobolka Tigray. Balse baaritaanka The Globe ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheer ka bixiyay dilal rayid ah oo ay geysteen askar Soomaali ah oo gacan saar la leh ciidamada Eritrea ee ku sugan gobolka.

Gebretsadik, oo ah 52 jir beeralay ah oo ka soo jeeda tuulada Zebangedena ee waqooyi-galbeed ee Tigray, ayaa sheegay in waddooyinka boorka badan ee tuuladiisa ay daadsan yihiin meydadka wadaado madaxa laga jaray bishii Disembar, 2020, dhowr toddobaad ka dib markii uu dagaalka billowday.

Askar Soomaali ah oo ka barbar shaqaynayay ciidamada Ereteriya ee tuulada qabsaday ayaa waxay beegsadeen kaniisado oo ay dileen wadaaddada, ayuu yidhi. “Waxay u gowraceen sida digaagga,” ayuu u sheegay The Globe.

Ciidamada Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa tuulada ku sugnaa ilaa dabayaaqadii bishii Febraayo, sida uu sheegay Gebretsadik oo inta badan u cararay kaymaha iyo buuraha ku xeeran tuulada si uu uga badbaado weerarro lagu soo qaaday xilligaas.

Globe waxay la hadashay daraasiin ka badbaaday oo goob joog u ahaa xasuuqii ka dhacay lix tuulo oo Tigray ah halkaasoo ay joogeen ciidamada Soomaaliya intii u dhaxaysay December, 2020 iyo dabayaaqadii Febraayo, 2021.

Dadka ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay wateen dareyska ciidamada Eritrea, balse ay si cad u garanayeen inay yihiin Soomaali, sababo la xiriira afkooda iyo muuqaalkooda. Si ka duwan Eriteriyaanka, kuma ay hadli karin luqadda lagaga hadlo Tigrayga iyo inta badan Eritera. Goob joogayaal ayaa sheegay inay sidoo kale maqleen ciidamada Eritrea oo ku tilmaamay inay yihiin Soomaali.

Sannadkii hore, Qaramada Midoobay iyo saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ay ku sugan yihiin gobolka Tigray, balse faahfaahin yar ayaa laga helay.

Waalidiin Soomaaliyeed ayaa sanadkii hore dhowr jeer banaanbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya, iyagoo ka cabanayay in wiilashooda lagu amray inay ka dagaalamaan Tigrayga, kadib markii markii hore tababar ciidan loogu diray dalka Eritrea.

Boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalka.

Ilaa 10,000 oo askari oo Soomaali ah ayaa la geeyey Tigray-ga, sida ay sheegeen saraakiisha hadda iyo kuwii hore ee Itoobiya oo la hadlay The Globe. Globe kuwaasoo diiday in magacyadooda la xuso.

Ilaa hadda wax yar oo tafaasiil ah lagama hayo dhaq-dhaqaaqa Soomaalida Tigrayga. Laakin dadkii ka badbaaday weerarka ayaa u sheegay The Globe in ciidamada Soomaaliya ay boqollaal qof oo rayid ah ku xasuuqeen tuulooyinka ay maamulaan ciidamada Eritrea, iyagoo inta badan qoorta ka gooyay. Tuulooyinkaas ayaa la sheegay in aysan joogin ciidamo Itoobiyaan ah.

“Ma aysan tusin wax naxariis ah,” ayuu yiri Berket, oo ah 32 jir beeralay ah. “Ereteriyaanka ayaa su’aalo ku waydiinaya ka hor intaanay ku dilin. Laakiin ciidamada Soomaaliya si aan kala sooc laheyn ayey dadka u laayeen.

Berket ayaa xusay in mid ka mid ah dadkii ay deriska ahaayeen oo 76 jir ahaa wadaad uu ka mid ahaa dadka ay dileen ciidamada Soomaaliya, sida uu sheegay.

Kibrom, oo 37 jir ah oo ka soo cararay tuulada Hamlo bishii Janaayo, ayaa sheegay in qoor-goynta ay geysteen ciidamada Soomaaliya ay noqotay “Xaqiiqo maalinle ah” tuuladiisa.

“Kaniisadaha waxaa deganaa ciidamada,” ayuu yiri. Waxay gubeen buugaagta quduuska ah iyo waxyaalaha quduuska ah. Kaniisadaha ayaa noqday meelaha ugu amaanka xun. Dadkii tuulooyinka degganaa waxay joojiyeen inay tagaan kaniisadaha, sababtoo ah ciidamada Soomaaliya waxay dilaan qofkii ay ka helaan kaniisadaha.” ayuu yiri Kibrom

Sida laga soo xigtay saraakiishii hore ee Itoobiya, ciidamada ugu badan ee Soomaalida ayaa ka soo tallaabay xadka Eritrea oo galay galbeedka Tigray toddobaadyadii ugu horreeyay ee dagaalka. Waxay sheegeen in ciidamada Soomaaliya oo ka amar qaata ciidamada Eritrea ay horay u joogeen dhufeysyo ku dhow xadka ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.

“Shaki la’aan waxay ka qaybqaateen dagaalka,” ayuu yiri Gebremeskel Kassa, oo ahaa madaxa shaqaalaha ee maamulka ku meel gaadhka ah ee Tigray oo ay dawladda Itoobiya magacawday ka dib markii ay la wareegtay gacan ku haynta gobolka bilihii hore ee dagaalka. Markii dambe wuxuu u baxsaday dibadda, isagoo u baqay ammaankiisa markii saraakiisha Itoobiya ay ku dhaleeceeyeen guulihii ay Tigrayga ka gaareen gobolka.

Mr. Gebremeskel ayaa sheegay in uu wax ka ogaa in Soomaalida la keenayo safaradii uu ku tagay Tigray iyo kulamadii gaarka ahaa ee uu la qaatay madaxda ugu sareysa Itoobiya iyo jeneraalada militariga.

“Dhammaan annaga oo ahaa mas’uuliyiin sarsare waanu ogeyn arrintaas,” ayuu u sheegay The Globe. “Ciidanka Soomaaliyeed waxa ay tababar ku qaateen xerada Sawa ee dalka Eritrea, taasoo ka dhalatay heshiis milateri oo dhexmaray saddexdii dowladood ee ka horreeyay.

Halkan ka akhrisa warbixinta wargeyska The Globe and Mail.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -