Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka dowlada oo joojiyay dagaal beeleed dhiig ku daatay (Daawo Sawirada)

Ciidanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan milatariga iyo Nabad sugida ka howlgala gobolka Galgaduud ayaa ku guuleestay in ay kala dhax galaan labo maleeshiyo beeleed oo dagaal ku dhax marayay deegaano hoostaga degmada Balanbale.

Ciidamada milatariga qeybta 21-aad iyo ciidamo katirsan nabad sugida ayaa gaaray degmada Balanbale iyo sidoo kale deegaanada ay ka dhaceen dagaal beeleedka ee Oodaale iyo Xersi Lugeey.

Saraakiisha ciidankan gaaray degmada Balanbale ayaa kulan la qaatay waxgaradka degmadaasi gaar ahaan kuwa dagaalka u dhaxeeyo, waxa ayna ku wargaliyeen in aan la aqbali karin in mar kale soo laabtaan dagaal beeleed dhiig ku daato.

Odayaasha labada dhinac ee la kulmay saraakiisha ayaa soo dhaweeyay dadaalka ciidanka dowlada, waxa ayna Odayaasha soo dhaweeyeen in ciidanka dowlada ka howlgalaan degmada Balanbale si ay uga hortagaan dagaal beeleedyada.

Degmooyin iyo deegaano katirsan gobolka Galgaduud ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo noq noqday dagaal beeleed u dhaxeeya dad wada degan halkaasi, waxa ayna inta badan dagaaladan salka ku hayeen muran ka dhashay ceel biyood iyo daaqsin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Telfoon kula hadlay Erdogan iyo Waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo booqday xarunta ICJ lana kulmay Madaxweyhe Joan E (Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee ayay ku baxsadayn maxaabiistii ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho (Warbixn)!!

admin
Taboola Ads ---