Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo arrimo muhiim ah kala hadlay Kate Foster (Sawirro)

Gudoomiyaha guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Mudane Maxamed Cawil Warsame, ku xigeenkiisa iyo Xoghayaha guddiga ayaa kulan la yeeshay safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster.
 
Guddoonka guddiga ayaana kala hadlay safiirka Ingiriiska u joogta Soomaaliya arrimaha doorashada iyo dardar gelintooda iyo sida ay shaqada u wajahayaan guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorasahda.
Waxa ay sidoo kale guddonka guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada u  sheegeen Danjire Kate Foster caqabadaha lasoo darsa guddiga mararka lasoo gaarsiiyo dacwadaha la xariira kuraasta gollaha shacabka ee la doorto.
Danjire Kate Foster ayaa soo dhawaysay dadaalada guddiga ay wadaan guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee ku aadan ka garnaqida cabashooyinka loo soo gudbiyo guddiga .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Soomaaliya oo soo bandhigtay tirada Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Muqdisho

admin

Ra’isul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Kennedy Agyapong oo qaatay Diinta Islaamka Magac cusubna la baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---