Xildhibaan Kennedy Agyapong oo qaatay Diinta Islaamka Magac cusubna la baxay

Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka dalka Ghana ayaa qaatay diinta Islaamka, isaga oo la baxay magac cusub oo ah Shiikh Osman, sida laga soo xigtay Ghana Web.

Xildhibaanka, oo horay loogu yeeri jiray Kennedy Agyapong ayaa sheegay inuu qaatay Islaamka markii uu ogaaday inay tahay diin ka hadasha nabadda iyo jaceylka.

Wuxuu ka taariikhooday qisada saaxiibadii uu ku lahaa dalka Pakistan xilli uu ku sugnaa kuwaas oo fahamkeeda saxda ah si qoto dheer ugu kala dhig-dhigay.

Wuxuu intaas ku daray in magaciisa cusub ee Shiikh Osman ay u bixiyeen bulshada Muslimiinta ah.

Toddobaad kahor wuxuu sheegay inuu si dhab ah u jeclaaday dadka Muslimiinta ah markii la xiray sannadkii 2012-ka, halkaas oo dhalinyaro Muslimiin ah ay garab istaag iyo gargaar muuqda u sameeyeen si aanu u dareemin kelinimo.

Ducadii iyo dadaalkii ay iskugu dareen ayaa ugu danbeyn u suura-geliyay inuu si niyad leh uga soo baxo xabsiga. Waxaana halkaas uu ka helay waaya’aragnimo ruuxi ah oo noloshiisa wax weyn ku kordhisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -