Allbanaadir.com
MUQDISHOMUUQAALONEWS

Al-Shabaab oo xukun toogasho ah ku fulisey labo dhalinyaro oo ay ku eedeeysay..

Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla degaanka Kuunya-Baroow ee Gobolka Sh/hoose waxay ku toogteen laba dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen inay ka mid ahaayeen Ciidamada dowladda Federaalka.

Yoonis Macalin Xasan iyo Maxamed Nuur Xasan ayaa Al-Shabaab waxay ku eedeeyeen inay ka kala tirsanaayeen Booliska iyo Nabadsugida Somalia isla markaana ay ka howlgeli jireen Magaalooyinka Marka iyo Baydhabo.

Qaadiga Al-Shabaab ayaa xusay in labada nin laga soo kala qabtay degaanada Jilib iyo wadada isku xirta Afgooye iyo Magaalada Baydhabo.

Goobta lagu toogtay labada Askari ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah dadka ku nool degaanka Kuntuwaareey, kuwaasoo Al-Shabaab ku amreen inay goobta iskugu yimadaan.

Al-Shabaab ayaa waxay horey u toogteen rag iyo Dumar ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Video) Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo soo gaba-gabeeyay booqashadii Dhuusamareeb kuna waajahan cadaado!!

admin

Bangiga Ganacsiga Itoobiya oo xarun ka furanaya magaalo kutaala Soomaaliya

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---