FBI-da Maraykanka oo weerartay dugsi Quraan iyo arday & Macalimiin xabsiga lagu guray

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo ay la socdeen Booliska Kenya ayaa galay madarasad lagu barto Quraanka oo ku taalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa soo xigtay boolis sheegaya in weerarka uu qeyb ka yahay la dagaallanka wax ay ugu yeereen argagixisada.

Howlgalka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa sirdoonka UK ee loo yaqaano Scotland Yardm waxaana lagu soo qabtay boqol ka mid ah ardayda wax ka baraneysay dugsigaas iyo macalimiintoodii.

Inkastoo booliska Kenya ay ka gaabsadeen in ay arrinta ka hadlaan, hadana hoggaamiyayaasha culimada ayaa falkaas cambaareeyey, waxayna sheegeen dugsigaas lagu baranayey Quraanka.

Ciidamada howlgalka fuliyey ayaa la sheegay inay haysteen warar sir ah oo sheegaya in madarasada lagu xagjireynayay caruurta.

Sheekh Xasan Cumar oo ka mid ah mas’uuliyiinta golaha iimaamyada sidoo kalena galaangal wayn ku leh Kenya, ayaa sheegay in been ay tahay eedaha la xiriiro in Madarasada ay ku sugnaayeen dad ka mid ahaa ururka la baxay Khilaafada Islaamka, oo ka soo noqday Suuriya.

Qaar ka mid ah ardayda la xiray ayaa la sii daayey ka dib markii la weydiiyey su’aalo halka qaar kalena ay weli la xiran yihiin macalimniintooda, iyadoo baaritaano ay ku socdaan.

Dugsigan ayaa waxaa wax barta caruur intooda badan laga kala keenay daafaha Caalamka oo la baro xifdinta Qur’aanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -