Allbanaadir.com
NEWS

Kulamo looga hadlayo sii deynta C/raxmaan C/shakuur oo caawa ka socda Muqdisho

Iyadoo maalinta ah beri loo balansan yahay mar kale Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur oo u xiran dowlada Somalia ayaa waxaa caawa ka socda magaalada Muqdisho dedaalo lagu sii deynayo siyaasigan.

Madaxweynaha Somalia ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula leh Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle, kaasoo looga hadlayo xariga siyaasigan iyo sidii loo sii deyn lahaa.

Odayaal dhaqameedyo caan ah oo uu ku jiro Imaamka Hiraab ayaa iyana ku soo biiray dedaalada lagu sii deynayo C/raxmaan C/shakuur, iyagoo sidoo kale kulan xasaasi ah la leh raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre.

Wararka ayaa qaar ayaa sheegaya in madaxda dowladu ay shuruud ku xireen sii deynta siyaasigan, kuwaasoo ay ka mid yihiin inuu joojiyo ololaha iyo wararka xumaanta ah ee uu ka faafinayo kuwaasoo madaxda dowladu sheegeen in jiritaanka qaranka ay wax u dhimayaan.

Weli ma jiraan wax natiijo ah oo ka soo baxay kulamadan oo weli socda, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in siyaasigan xiran laga yaabo in caawaba xoriyadiisa la siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamsa oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha amniga ka dib weeraradii Baladwayne (Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka Sh/Dhaxe oo u qeylo dhaamiyay Farmaajo & Cumar Finish oo dhul boob ka bilaabay… !!

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo isku bedeshay haween danjireyaal ka ahaa labo dal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---