Garsoore uu magacaabay Trump oo ka fajiciyey Xubnaha Senateka Maraykanka

Garsoore uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u soo magacaabay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha Maraykanka ayaa is casilay kadib markii uu ka jawaabi waayay su’aalo asaasi ah oo ay weydiiyeen xildhibaanada Aqalka Sare oo magaciisa la horkeenay si loo ansixiyo.

Waxaa aad u faafay muuqaal laga duubay Mathew Peterson oo si laga yaxyaxo uu uga jawaabayo su’aalaha xildhibaanada.

Peterson oo markii dambe soo qorey warqadda uu kaga laabanayo xilka loo magacaabay ayaa sheegay in hadal heyntiisa ay marinkii ka habaabisay ujeedkii uu xilka u qaban lahaa.

Trump ayaa u magacaabay inuu noqdo garsoore heer federaal ah oo fadhiya degmada Colombia, isagoo markii dambe aqbalay xil ka laabashadiisa.

Mr. Peterson ayaa xubin ka ah guddiga doorashooyinka ee xisbiga Jamhuuriga, waana qofkii ugu dambeeyay ee Trump uu garsoorka u soo magacaabo, balse meel mari waayay.

Su’aalaha la weydiiyey Mr. Peterson waxaa ka mid aha Waligaa maka qeybqaadatay dacwad xeerbeegti ah?, Dacwad rayid ah? Dacwad dambiyeed? Maxkamad gobol iyo mid federaal toona xaakim maka noqotay? iyo kuwa kale balse Mr. Peterson ayaa maya ku jawaabayey su’aal kasta oo la weydiiyey taasoo fajac iyo yaab ku abuurtay xubnaha aqalka Senate.

Xildhibaanada ayaa markii dambe waraysiyo ay siiyeen talefishinada waxay ku dhaleeceeyeen Peterson iyagoo ku sifeeyey nin aan waxbo kala garanaynin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -