Rasaas laga maqlayo Khartuum iyo milatariga oo awood adeegsanaya (Daawo Sawirada)

Magaalada Khartuum ee caaimada dalka Sudan ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, milatariga awooda dalkaasi la wareegay ayaana bilaabay in ay awood u adeegsadaan dadka wali dibad baxyada dalkaasi ka dhigaya.

Ciidamada milatariga ayaa bilaabay in ay awood u adeegsadaan dad dibad baxayaal ah oo ku sugnaa afaafka hore ee Wasaarada gaashaandhiga dalkaasi,goobtan ayaana aheyd xudunta dibad baxayaasha dalka Sudan.

Rasaas xoogan ay adeegsanayaan ciidamada milatariga ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada Khartuum gaar ahaan goobtii ay ku sugnaayeen banaan baxayaasha ee banaanka hore ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo kamid ahaa dibad baxayaasha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen rasaas ay milatariga fureen, waxaa sidoo kale isbitaalada Khartuum la geeyay dad kale oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Mohammed Elmunir oo ka mid ahaa dadka dibad baxyada dhigayay ee naftooda la soo baxsaday ayaa sheegay in Milatariga xireen albaabihii fagaaraha ay ka bixi lahaaeen sidoo kale ay rasaas ku furayaan dibad baxayaasha.

” Waxay xireen dhammaan iridihii laga baxayay ee Fagaaraha, Qofkasta waa tooganayeen, iyagoo gubayay Teendhooyinkii ay deganaayeen mudaharadaayaashu, qofkastaa naftiisa ayuu la cararay” Sidaas waxaa yirir Mohammed Elmunir

Milatariga Sudan ayaa horey ugu hanjabtay in ay awood u adeegsan doonaan dadka dibax baxyada dhigaya ee wali ku sugan banaanka Wasaarada Gaashaandhiga Sudan ee kutaala magaalada Khartuum.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -