Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Guud ee ciidanka Sacuudiga oo booqday Iran (Sawirro)

Taliyaha Guud ee ciidanka Sacuudiga, Marshal Fayyad bin Hamed ayaa maanta booqday magaalada Tehran ee xarunta dalka Iran.

Waxaa uu halkaas kula kulmay dhigiisa taliyaha guud ee ciidanka Iran, Major General Mohammad Bagheri, iyadoo la sheegay inay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

Waxyar kaddib kulankan, waxaa khadka telefoonka wada-hadal ku yeeshay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian iyo dhaxal-sugaha boqorka Sacuudiga,Mohammed bin Salman.

Sacuudiga ayaa hadda dib u hagaajinaya xiriirka uu la leeyahay Iran oo dib loo soo celiyay, kaddib dhex dhexaadin uu sameeyay Shiinaha, iyadoo hadda labada dal ee mar cadowga isku ahaa ay muujinayaan sida ay u doonayaan iskaashi iyo wanaajinta xiriirkooda.

Sacuudiga ayaa u muuqda inuu iska fogeynayo khatar uga imaan karta colaadda gobolka iyo dhaqdhaqaaqyada ay taageerto Iran ee ku sugan Yemen, Ciraaq iyo Siiriya oo xad la leh Sacuudiga.

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in Meydad badan ay ka carareen Al Shabaab daadsan yihiin Owdheegle

Cabdi Cade

Ganacsato Imaaraadka u dhalatay oo doonaya in ay maalgashadaan Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---