Xildhibaano katirsan labada Aqal oo saakay qaatay Shahaadada Xildhibaannimo (Sawirro)

Guddiga doorashada heer federaal ayaa saakay oo sabti ah bilaabay bixinta shahaadada Xildhibaanada la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lagu doortay Muqdisho iyo dowlad goboleedyada.

Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug) ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyey ee saakay qaata shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal ayaana saakay xildhibaano katirsan labada aqal gacantiisa ku siiyay shahaadada aqoonsiga Xilkdhibaanimo, waxaana saakay kaliya qaatay shahaadada aqoonsiga xildhibaano badan oo katirsan labada aqal.

Shahaado siinta Xildhibaanada labada aqal  ayaa imaaneysa xilli qoraalo ay soo saareen madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle  sheegeen in kiiska xildhibaanada labada aqal u gudbinayaan xoghayaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -