Xiisad ka taagan Magaalada Baydhabo iyo qalalaase cusub oo laga cabsi qabo

Xiisad u dhexeysa ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidamo la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ayaa ka taagan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Wararka ayaa sheegaya in Xiisadan ayaa salka ku hayso muddo kordhinta uu sameystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaagreen) ka dib markii ay ka dhamaatay 4-tii sano ee loo doortay hogaanka maamulkaas

Xiisadaan ayaa ka sii daraysa xilli Madaxweyne Laftagreen uu wajahayo cadaadis dhinaca walba leh, waxaana ciidamadan badbaadada KG la baxay gadaal ka riixanaya siyaasiyiin ka soo jeeda Maamulkaas oo doonaya in doorasho la qabto

Waxay sheegeen in aysan aqbali karin mudada halka sana ah ee Baarlamaanka maamulkaasi uu horay ugu daray muddo xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ka digay in qalalaase laga abuuro magaalada Baydhabo, wuxuuna xusay in wax laga yiraahdo ciidan badbaado uusan ka shaqeyn doonin halkaas.

Waxaa uu sheegay in arrinta muddo kordhinta uu gaaray Baarlamanka Koonfur Galbeed, haddii wax laga bedelayana ay tahay howl u taalla isla baarlamanka oo aysan cid kale shaqo ku laheyn.

- Advertisement -