Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay arbacadii Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay arbacadii lasoo dhaafay agagaarka saldhioga ciidamada Cirka ee Afisiyooni, waxaana qaraxaasi lala beegsaday gaadiid ay la socdeen saraakiil cadaan ah.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxa la beegsadeen saraakiil ajnabi ah.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay weerarka ismiidaaminta ah, waxaana Idaacadda Al Shabaab laga sii daayay wareysi uu bixiyay ninkan kahor inta uusan ninkan is qarxin.

Qaraxa waxaa fuliyay Maxamed Aadan Gureey oo ah 44 sano jir u dhashay beesha Gaaljecel gaar ahaan jufada Dirisame, ninkan ayaana Al Shabaab ku biiray sanadkii 2011-kii, waxa uuna intii uu kooxdaasi katirsanaa ka qeyb galay dagaalo badan.

Al Shabaab ayaa inta badan wareysiyo ka duubta raga fuliya weerarada ismiidaaminta ah, waxaana Al Shabaab sii daayaan wareysiyada laga qaado raga is qarxiya marka uu qaraxa fuliyo kadib ayna kooxda gaarto hadafkii ay qaraxaasi ka laheed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -