Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhiga oo xafiiskiisa ku shaqo bilaabay lana kulmay Saraakiil

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maalmo kadib si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xafiiskiisa oo ku dhax yaala wasaaradda gaashaandhiga.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaana xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka uu hogaaminayay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabaas Aamiin Cali.

Kulanka ayaa wasiir Jaamac kaga dhageestay taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha kale warbixin la xariirta ciidamada iyo sida ay u socdaan howlgalada ciidamada ka wadaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kula dar daarmay saraakiisha ciidanka dardar-galinta howlgaladda ka dhanka Al Shabaab iyo ka shaqeynta Horumarinta ciidanka xoogga Soomaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Somaliland oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay roobabka & kuwa lala yahay

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo kala duwan Niyi Ojoulape iyo wafdi la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Ku dhowaad boqol qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay dalka Iran (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---