Maamulka Somaliland oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay roobabka & kuwa lala yahay

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay roobabka dabaylaha watay ee habeennadii Sabtidii iyo Axaddii ka da’ay gobollo ka mid ah Somaliland.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in 25 qof ay ku dhinteen, 12 kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii roobab duufaanno wata ay ku dhufteen qaar ka mid ah gobollada, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in roobabkan dabaylaha wata ay saameeyeen dad dhan 669 kun oo qof, halka ay galaafteen nolosha 80% xoolihii ku noolaa degaanadaas.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in lala yahay 27 kale oo ay qaadeen daadadka kuwaasoo aan la ogeyn nolol iyo geeri waxa y xaalkoodu ku dambeeyey.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay baaq loo dirayo beesha caalanka iyo qurbajoogta inay gargaaraan dadka dhibaatadu saamaysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -