Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Liiska Odayaasha iyo xubnaha Bulshada rayidka ee soo xulaya 5-kursi oo la shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay magacyada odoyaasha dhaqanka iyo Ururada bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada 5 tii kursi ee guddigu shaaciyey xalay.
 
Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaana lagu soo bandhigay Odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada ee kuraastan soo xulaya, waxa uuna guddiga xubnahan ka codsaday in ay yimaadaan xafiiska guddiga.
 
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay oo soo saara liiska doorashada kuraas katirsan golaha Shacabka, kadib heshiiskii magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga qaran.

Related posts

Musuq maasuq xoogan oo ka dhacay Xerada Ciidamada Balli-Doogle iyo baaris lagu bilaabay

Cabdi Cade

Ciidamada Puntland oo howlgal weyn ka fuliyey Buuraha Galgala (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Lacag ku dhaw 1 Milyan Dollar oo ku baxday Doorashada kursigii uu ku guuleestay Muuse Suudi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---