Ciidamada Puntland oo howlgal weyn ka fuliyey Buuraha Galgala (Daawo Sawirro)

Ciidamada Puntland ayaa howlgal balaaran ka sameeyey Buuraha Galgala ee gobolka Bari oo qeybo ka mid ah ay fariisimo ku leeyihiin dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa Saraakiisha hogaamineysa waxay sheegeen inay ku baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Degaanada sida gaarka ah howlgalada Ciidamada uga fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Maraje,Togga Naara, Isha bood, Ceel unkud, Kala dhacda, Balqooxle iyo meelo kale.

Col. Ayaanle Faarax Jaamac oo ah Taliyaha Ururka 1aad ciidanka PMPF ayaa sheegay in howlgalkaas uu qaatay muddo saddex cisho ah, isla markaana hadafkii laga lahaa lagu guuleystay.

Inkastoo aan la soo bandhigin waxyaabo lagu qabtay howlgalkan, haddana sawiro laga soo qaaday ayaa muujinaya ciidamada oo howlgal ka fulinaya Buuraha Galgala dhexdooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -