Allbanaadir.com
NEWS

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo iska bixin waayay Qaaraanka xubinnimada Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobay warqad kasoo baxday 11-ka bishan Janaayo ee 2022-ka, ayaa lagu shaaciyay in 11-dal ay ku jirto Soomaaliya ay iska bixin waayeen Qaaraankii xubinnimada Qaramada Midoobay.

Dalalka ku midoobay Qaramada Midoobay ayaa laga qaadaa qaaraanka xubanimada, waxaana Soomaaliya safka hore kasoo gashay dalalka ku guuldareestay in ay bixiyaan qaaraanka halisna ugu jirta in laga saaro xubanimada Qaramada Midoobay.

Wadamadda aan bixin lacagta qaaraanka Qaramada Midoobay waxaa kamid ah Soomaaliya, Iran, Congo , Guinea ,Sudan ,Venezuela iyo wadamo kale ,kuwaa oo laga yaabo in ay waayaan xubanimada Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa dhawaan khudbad uu jeediyay ku sheegay in Soomaaliya meel sare gaartay intii uu xilka hayay , waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay xubin ka noqoneyso golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay lacag gaareysa 1,446,153 milyan oo dollar, waxaana horey Soomaaliya loogu ogolaaday inay codkooda ka dhiibtaan Golaha illaa dhamamadka kalfadhiga lix iyo todobaatanaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=crUQRb6Bj3o

Related posts

Dagaal aan horey loo arag oo baraha bulshada ku dhexnaray Erdogan iyo Netanyahu

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyay ee dhulka gariirka Turkiga & Tirada dadka ku dhintay oo gaartay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Deegaanka Daaru Salaam ee Muqdisho oo maanta si weyn looga ciiday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---