Deegaanka Daaru Salaam ee Muqdisho oo maanta si weyn looga ciiday (Sawirro)

Kumanaan Dadweyna ah ayaa saakay waabarigii kusoo kalahay masalaha weyn ee Deegaanka Daaru salaam si Halkaasi ay ugu oogaan tukashada salaada Ciida Carafo ama Ciidul Adxaa.

Dad isugu jira rag, dumar iyo caruur ayaa kasoo qeyb galay salaada ciida iyaga oo laga dheehanayay wajiyadooda farxad ku aadan maalinta 1-aad ee Ciida Carafo.

markii ay soo idlaatay dukashada salaada ayaa waxa ay usoo jihaysteen beerta dalxiiska Daaru salaam si ay halkaasi ugu qaataan farxada maalinta ciida iyo damaashaadka.
Dadweyne aad ufara badan oo isugu jira caruur iyo Ciroole kana kala yimid 17-ka degmo ee gobolka banaadir iyo gobolada ku xeeran ayaa soo buux dhaafiyay qeybaha ay ka koobantahay beerta kuwaasi oo ku dalxiisayay qeybaha loogu tala galay dalxiisayaasha sida qeybta cayawaanaadka qeybta caruurta, dabaasha iyo qeybaha kale ee dadka waaweyn.

Qaar kamid ah dadkii usoo damaashaad tagay beerta dalxiiska daaru salaam ayaa la hadlay dareenkooda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin imaashaha beerta dalxiiska daarusalaam ayna ku qaadanayaan waqti fiican.

Madaxa suuq geynta Beerta daaru salaam Cabdinuur Maxamed Kidiye oo lahadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay sida beerta ay ugu dalxiisayaan kumanaan ruux ee damaashaadka ciida u yimid asagoo sheegay in loo diyaariyay dadka halkaan imaanaya meelo ay ku dalxiisaan iyo xayawaano fara badan.

Beerta daaru salaam waa beerta ugu weyn ee dhinaca dalxiiska waxaana maalin waliba halkaasi taga dadyoow aad u fara badan oo waqtigooda ku qaata halkaasi haba ugu badnaadaan maalmaha ciida.

 

- Advertisement -