Wararkii u dambeeyay ee dhulka gariirka Turkiga & Tirada dadka ku dhintay oo gaartay.. (Sawirro)

Samatabbixiyeyaasha ayaa ku dhibtooday inay dadka ka soo saaraan burburka dhismayaal soo dumay iyadoo tirada dadka ku dhintay dhulgariirka dhacay dhul ballaaran oo Turkiga iyo Suuriya ah ay kor u dhaaftay 5,000 kun qof

Dhulgariirka cabirkiisa lagu qiyaasay 7.8 ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Turkiga ka dhaca tan iyo 1999-kii

Kumanaan dhismayaal ah ayaa dumay, isbitaallo iyo iskuullo ayaa burburay waxaana tobanaan kun oo qof ay ku dhaawacmeen ama ay guri la’aan uga tageen dhowr magaalo oo Turkiga iyo Suuriya ah.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in laga yaabo in kumannaan carruur ah ay ku jiraan dadka dhintay.

Cimilada daran ee jiilaalka ayaa caqabad ku noqotay dadaallada baadigoobka iyo gaarsiinta gargaarka waxayna ka dhigtay xaaladda dadka darbi-jiifka ah mid aad u sii liidata. Meelaha qaar waxaa ka maqnaa shidaal iyo koronto.

Saraakiisha gargaarka ayaa walaac gaar ah ka muujiyay xaaladda Suuriya, oo ay horay u aafeeyeen masiibo bini’aadantinimo ka dib ku dhawaad 12 sano oo dagaal sokeeye ah.

Dalka Turkiga, tirada dhimashadu waxay kor u dhaaftay 3,419 qof subaxnimadii Talaadada, madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay ayaa yiri. Suuriya, dhimashadu waxay maraysay in ka badan 1,600, sida laga soo xigtay dawladda iyo adeegga samatabbixinta ee waqooyi-galbeed ee fallaagada gacanta ku hayso.

Maamulka Turkiga ayaa sheegay in ilaa 13.5 milyan oo qof ay ku waxyeeloobeen dhul qiyaastii 450 km u jira Adana ee galbeedka ilaa Diyarbakir ee bariga, iyo 300 km u jirta Malatya ee waqooyiga ilaa Hatay ee koonfurta. Mas’uuliyiinta Suuriya ayaa sheegay inay dad ku dhinteen ilaa koonfurta Xama oo 100 km u jirta xuddunta.

“Hadda waqtiga ayaanu la dagaalameynaa,” Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka sheegay Geneva. “Daqiiqad kasta, saacad kasta oo ay dhaafto, fursadaha lagu heli karo kuwa nool ayaa yaraanaya.”

Guud ahaan gobolka, samatabbixiyeyaashu waxay ku dadaalayeen habeenkii iyo subaxdii iyagoo raadinaya dad badbaaday iyadoo dadku ay ku sugnaayeen murugo tuulooyin burbur ah, iyagoo ku dheggan rajada ah in asxaabta iyo qaraabada la helo iyagoo nool.

Magaalada Antakya ee dalka Turkiga oo ah xarunta gobolka Hatay ee u dhow xuduudka dalka Suuriya, ayaa waxaa laga maqlay cod qof dumar ah oo ku baaqaysa in la caawiyo oo ku hoos jirta burburka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -