Dagaal aan horey loo arag oo baraha bulshada ku dhexnaray Erdogan iyo Netanyahu

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Benyamin Netanyahu ayaa mar kale isweydaarsaday haddallo kulul oo aan horey loo arag.

Labada hoggaamiye ayaanay ahayn markii ugu horeysay ee ay weerar iyo weerar celis isku dhaafsadaan baraha bulshada iyo warbaahinta, waxaana ka dhaxeeya cadaawad fogaatay.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil ayaa ku tilmaamay Erdogan inuu yahay “Keligii taliye aad u neceb Yuhuudda”, wuxuuna ku eedeeyay Turkiga inuu qabsaday jasiirada Qubrus.

Balse Erdogan ayaa jawaab culus u diray Netanyahu isagoo ku tilmaamay “dhiigyacab” wuxuuna yiri: “Inuu Turkiga ku eedeeyo qabsashada Qubrus, waxaan u maleynayaa inuu khaldamay oo uu ula jeeday inay Yuhuuddu qabsatay Falasiin, ayna weli heystaan iyagoo ku laaya caruurta iyo dumarka..”

Madaxweynaha Turkiga ayaa intaas ku daray “Netanyahu wuxuu garaacayaa albaab khalad ah, Erdogan waa codka u hadla dadka cadaadiska ku jira, adigana waxaad tahay codka kuwa dadka laaya, Waxaad tahay dhiigya-acab. Turkiga wuxuu la dagaalamayaa argagixisada. Dhiigya-cabyada Israa’iil xaq uma laha inay cid kale wax ka sheegaan iyagoon isku noqon..”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -