Khalalaase wali ka dhax jira guddiyada Doorashada xili lasoo saaray habraaca Doorashada

Guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa waxaa xiligan ka dhax jira khilaaf saameyn ku yeelan kara habsami u socodka doorashooyinka golaha shacabka, xili dhawaan golaha Wadatashiga qaran ka heshiiyeen habraaca cusub ee doorashada.

Xubno katirsan guddiga doorashada heer federaal waxa ay dhawaan xilka ka qaadeen guddomiyihii guddiga doorashada Maxamd Xasan Cirro, waxa ayna doorteen guddomiye si KMG ah shaqada usii wadaya.

Guddiga doorashada garabka xilka ka qaaday Maxamed Xassan Cirro ayaa sidoo kale shaaciyay in ay qabanayaan doorashada gudoomiyaha guddiga doorashada, waxaana xilkaasi isku soo taagay dhoor musharax.

Guddomiye Maxamed Cirro ayaa isaga dhankiisa wali aaminsan in uu yahay guddomiyaha guddiga doorashada, waxaana xubnaha guddiga wali u qeybsan yihiin labo garab oo iska soo horjeeda.

Waxaa sidoo kale shalay xubno katirsan guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug shaaciyeen in xilka ka qaadeen guddomiyihii guddiga doorashada Galmudug iyaga oo sidoo kale doortay guddomiye KMG ah.

Golaha Wadatashiga qaran war-murtiyeedkii ay soo saareen kagama hadlin khilaafka ka dhax jira guddiyada doorashada iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii guddiga Maxamed Xasan Cirro.

Khilaafka ka dhax jira guddiyada doorashada aya alaga cabsi qabaa in uu saameyn ku yeesho habraaca cusub ee doorashada golaha shacabka oo la qorsheeyay in lasoo gabagabeeyo dabayaaqada bisha Febraayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -