DEG DEG: Dibed-bax lagu waday inuu berri ka dhaco Muqdisho oo dib loo dhigay (Sawirro)

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay banaanbaxii beri ka dhici lahaa magaalada Muqdisho kaasoo ay abaabulayeen xubno ka tirsan mucaaradka dowlada Somalia.

Dibed baxan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu taageero qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka, laguna cambaareeyo talaabadii isku dayga afgembi lagu sheegay ee dhowaan lagu sameeyey RW Rooble.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hoggaaminayay qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Muqdisho iyo Guddigii qaban qaabada bannaan baxa berri dhici lahaa ayaa isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbixii loo balansanaa.

Ugaaska ayaa ku guuleystay dadaalo uu saacadihii la soo dhaafay waday, isagoo gogol u dhigay dhinacyadii ku lugta lahaa qaban qaabada bannaanbaxa oo laga cabsi qabay inuu khalalaase ka dhaliyo Muqdisho.

Waxaa uu guul ku tilmaamay in laga aqbalay in dib loo dhigo banaan-bixii la qorsheeyey inuu berri dhaco, isla markaana Axada soo socota la go’aamin doono .

“Waxaan u nimid wiilashii loo xil-saaray qaban qaabada banaan-baxa, waa la fariisanay waqti badan ayaan qaadanay, waxaan ku faaneynaa in soo jeedinteenii ay nala qaateen, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer koonfurta, dhaqankooda ma maqlaan ayaa la dhihi jiray, laakiin maanta marqaati waxaan ka nahay in wiilasheena ay na aqbaleen, waana ku mahadsan yihiin” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -