Kheyre oo dib u dhigay Safar uu beri ku tagi lahaa Kismaayo iyo Sababta keentay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dib u dhigay safar uu beri oo sabti ah ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Ilo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Xasan Cali Kheyre safarkiisa dib u dhigay sababo la xariira geeridii ku timid Wasiirkii Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Meydka Wasiirka ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho la keeno si aas heer qaran ah loogu sameeyo, waxaana aaska Marxuunka la filayaa in ay ka qeyb galaan Madaxda dalka ugu sareysa.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Kismaayo u safraya marka uu dhamaado aaska Wasiirkii Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Kismaayo waxaa hada ku sugan wafdi horu dhac u ahaa safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya kuwaa oo sii diyaarinayay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre oo xili xasaasi ah tagaya Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -