Saciid Ciise: “Waa qodob dastuuri ah in shacabku dibed-bax ku cabiro shucuurtiisa”

Waxaan leeyahay ha guuleysto banaanbaxa maalinta Khamiista ah lagu taageerayo Raisul Wasaaraha xilgaarsiinta inuu guto waajibaadkiisa loo xilsaaray xiligan kala guurka, sidoo kalana lagu ayidayo War-murtiyeedkii ka soo baxay golaha wadatashiga qaranka, waana xuquuq dastuuri ah in shacabku fekerkooda ku cabiraan si nabad ah.

Marka uu soo dhamaadey shirka wada tashiga Qaranka, waxey ahayd in Raisul wasaaruhu khudbad u soo jeediyo shacabka isagoo ka gadaya qabsoomida doorashada iyo taageerada gudaha iyo dibeda uu uga heysto fulinta hogaaminta doorasho si hufan u dhacda.

Nasiibdarro taas bedelkeeda waxaa isa soo maqiiqay Farmaajo oo aan wax door ah ku lahayn dowladda xilgaarsiinta ee wakhtigan kala guurka ah ka jirta Soomaaliya. Fariinta farmaajo waxey si toosa ugu socotey beesha caalamka oo taageertay RW Rooble, isagoo si cad u muujinayey inuu ka soo horjeedo xilgaarsiinta RW Roble iyo dadaalada ay bulshada caalamka la garab istaagan tahay, isla markaasna aan la sameyn karin wax uusan raali ka ahayn, waxaana walaaca ku kordhiyey Farmaajo waxa kulmiyey dib u soo celinta xiriirka Imaraadka xiligan oo ay qabsoomeyso doorashada. Waxaan sugnaaba waa falcelinta ay Qatar ka sameyso saameeynta xoogan oo ay Imaraadku la soo baxday, xili ay Qatar sii tabar yareyneyso.

Qabka uu sheego Farmaajo waa islaweyni dhalanteed uga soo baxday maskax jiran, waxaana ka dambeeya rag runta ku qab jebiya oo  quursi liita ku quusiya dhalanteedka isla weynida caqli xumadiisa.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

- Advertisement -