Deni oo ku laabtay Garoowe, kulamo xasaasi ah ahna la leh Maamulkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo Muqdisho kaga qeybgalay Shirka Wadatashiga Qaranka, ayaa galabta dib ugu soo laabtay Garoowe.

Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport ku soo dhoweeyay, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Saraakiil Madaxtooyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Garoowe.

Dib u laabashada Deni ayaa ku soo beegantay xili xalay isimada Puntland qaarkood go’aan qaraar oo ku saabsan colaadii ka dhacday Boosaaso iyo xilka ka qaadistii taliyaha PSF.

Deni ayaa caawa ka wada Madaxtooyada Garoowe kulamo wadatashi ah oo ku saabsan sida laga yeelayo go’aanka isimada Puntland oo lama filaan iyo argagax ku noqday maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -