Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Rooble oo la kulmay Safiirrada 15-ka dal ee Golaha Amniga Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Ambassador Maxamed Omar Gad oo ah safiirka Masar u fadhiya Itoobiya.

Waxay kawada hadleen howlaha howlgalka Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo mustaqbalkooda kadib 2021 iyo sidoo kale xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.

Wafdigan oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa waxay dalka ku joogi doonaan booqasho sadax cisho ah iyaga la kulmi doona Madaxda Sare ee Dowladda.

Waxaa kulankan uu ku soo beegmayaa xili dowlada Somalia ay maalmo ka hor dalka ka ceyrisay Simon Mulongo oo ahaa ku-xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ka dib markii lagu eedeeyey inuu faraha la galay arrimo lid ku ah qaranimada Somalia iyo waajibaadkii loo xilsaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo albaabada u laabtay Xabsiga godka Jilacow & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Dagaal ka dhacay degmada Buur-hakaba iyo Khasaare badan oo ka dhashay

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Baydhabo Ku Qaabilay Annet Gunter (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---