Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo laga soo saaray nin toogasho ka geystay Isbitaal ku yaalla Mareykanka

Saraakiisha Booliska Mareykanka ayaa sheegay in nin hubaysnaa oo toogasho ka gaystay isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma uu beegsanayey dhakhtar isaga horay ugu sameeyey qaliin.

Dilaaga oo aan magaciisa la sheegin weli ayaa halkaas ku dilay afar qof oo isugu jiray saddex ka mid ah shaqaalaha isbitaalka iyo ruux bukaan ah, isagoo ka dibna u dhintay rasaas uu isku dilay.

Dr. Preston Phillips oo ninka falka gaystay ku sameeyay qalliin dhabarka ah ayaa ka mid ah dadka halkaas ku geeriyooday, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in ninka toogashada fuliyay uu dhakhtarka ugu xanaaqsanaa xanuun uu dareemay markii qalliinka lagu samaynayay.

Booliska ayaa dadka kale ee dhacdadaas lagu dilay magacyadooda ku kala sheegay: Dr Stephanie Husen, Amanda Glenn iyo William Love.

 

Related posts

Somaliland oo bilowday fulinta qodob ka mid ah heshiisyadii ay la gashay DF

Caydiid Ali

Kumaandoska Danab oo 17 dagaalyahan ka dilay Duleedka degmada Bu’aale (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo soo saaray Amar ku socda Laamaha Ammaanka iyo Maaliyadda danna u ah bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---