Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda qaraxii Muqdisho iyo cida ay la beegsadeen

Qarax ismiidaamin ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan durba masuuliyadiisa sheegatay xarakada Al Shabaab.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ismiidaaminta ah lala beegsaday kolonyo gaadiid ah ay la socdeen saraakiil Cadaan ah oo aysan sheegin Al Shabaab wadamada ay kasoo jeedaan iyo cida ay u shaqeeyaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa lagu bur buriyay mid kamid ah kolonyadii ay la socdeen saraakiisha cadaanka ah, waxa ayna xuseen in qaraxaasi dadkii lagu weeraray ay kasoo gaartay waxyeelo kala duwan.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxa ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho cida lala beegsaday iyo waliba khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -