Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amiir Alwaleed Bin Talal oo Saami ka iibsaday barta Snapchat

Taajir u dhashay Boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Amiir Alwaleed Bin Talal  ayaa saami ka iibsaday barta muuqaalada lagu duubo sidoo kale bulshadu kuwada xariirto ee Snapchat .

Amiir Alwaleed ayaa shirkada Snapchat ka iibsaday saami dhan 2.3%, waxa uuna Hantiilahan Carbeed saamigan ku iibsaday aduun lacageed oo gaaraya $250 milyan oo doolar.

Maalgalintan cusub uu shirkada Snapchat ku sameestay Taajirkan u dhashay Sacuudiga ayaa imaaneysa xili shirkada ay lumisay macaamiil  badan oo ku xirneyd, waxa ayna shirkada hada dooneysaa in ay dib usoo celiso kalsoonida maalgashadayaasha.

Taajirkan Carbeed ee saamiga ka iibsaday shirkada Snapchat ayaa horey saami uga iibsaday shirkada kale ee lagu wada xariiro ee Twitterka, waxa uuna taajirkan si weyn u xiiseeyaa in uu maalgashado baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada Sida Quruxda badan ee Kheyre loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur

Cabdi Cade

Galmudug oo Jawaabtay cad siisay Hogaamniyaha Ahlu Sunna oo Wadahadal dalbaday

Cabdi Cade

Guddoomiye Mursal & wafdi uu horkacayo oo gaaray dalka Purkina Faso (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---